Gjør som tusenvis av andre bokelskere
Abonner på vårt nyhetsbrev og få rabatter og inspirasjon til din neste leseopplevelse.
Ved å abonnere godtar du vår personvernerklæring.Du kan når som helst melde deg av våre nyhetsbrev.
"Nin hali ka luntay haan gunteedna waa ka dayaa."-Maahmaah Soomaaliyeed. Al-Munqid minad Dalaal waa xogwarranka waaya-arag xaqiiqadoonnimadu meelo badan ka tuurtay, saymo badanna u galay. Imaam Qasaali waxa uu inooga warramayaa waayihiisi aqooneed iyo waxyaalihii uu kala kulmay raadinta xaqa iyo ka gungaaridda afkaarihii ku hareeraysnaa xilligaa. Waxa uu si aan gabbasho lahayn inoogu sheegayaa ku dedaalkiisi caannimada iyo magaca iyo heerkii uu gaaray, iyo sidii uu waxaas oo dhan u tuuray markii laabtiisu ku xasili wayday. Waxa uu inoo sheegayaa in uu maray marxalado halis ah oo iimaankiisiba meesha ka baxay oo uu shaki iyo gebidhac ku jiray, ka dibna Alle ka badbaadiyay. Waxa uu inoo tibaaxayaa tubtii uu ku badbaaday iyo meelihii aafadu markii horaba ka haleeshay. Waxa uu xoogga saarayaa aragtiyihii iyo kooxihii xilligaa saamaynta ku lahaa degaankiisi afartii ugu waaweynaa oo kala ah: Mutakallimiinta, Faylasuufyada, Baadiniyada, iyo Suufiyada.
Buuggu waxa uu ka kooban yahay halabuurkii Cali Sugulle ee dhawr xilli oo xidhiidhsanaa iyo sooyaalkiisii qofnimo. Marka laga yimaaddo barbaaritaankiisii, waxbarashadiisii, noloshiisii qoysnimo, iyo shaqooyinkii uu soo qabtay markii uu dugsiga Sheekh ka baxay, waxaa qaybaha hore ee buugga ibafurkiisu xambaaray tisqaadkii halabuurka Cali Sugulle iyo jaadgoonnimadiisa; isaga qof ahaan iyo halabuurkiisa iyo baadisoocda u gaarka ah oo ay ka xogwarramayaan dad kala duwan oo Cali iyo halabuurkiisa aqoon durugsan u wada lahaa ama halabuurkiisa uun ku koobnaa oo halkaa Cali ka bartay. Ka dib, waxaa raacaya halabuurkii afar xilli oo dhacdooyin waaweyn iyo isdiiddooyin kakani ka ilmo-rogteen dhulalka Soomaalida ee Geeska Afrika: xilligii gobannimo-doonka, xilligii xukuumadihii rayadka ahaa, xilligii Tawradda, iyo xilligii burburka. Waxaa gaar ah oo buugga ku jira 13 riwaayadood oo uu Cali Sugulle halabuuray afartaas xilli intii u dhexaysey iyo riwaayad uu dhawr abwaan oo kale la allifey, iyada oo riwaayad kasta marka ay ugu yaraato la helay ujeeddadii uu Cali samaynteeda ka lahaa iyo dhawr dheeg oo ka mid ah, marka laga reebo labada riwaayadood ee Indhasarcaad iyo Kala Haab Kala Haad oo buuggu xambaaray iyaga oo sheekooyinkoodii dhammaystiran yihiin. Cali Sugulle iyo halabuurkiisu waa badweyn lagu hafanayo, lagana qori karo tobannaan buug oo xaglo kala duwan laga eegi karo. Buuggan Hal Tisqaaday waxa uu laangooyo u yahay buugaagtaas Cali Sugulle laga qori karo.
"Inta maanku gaajaysan yahay, guuli waa weliye"-Hadraawi: Gudgude Dhabannahays waa dhigane loo qoray in uu la hadlo garaadka iyo damiirka Soomaalida. Wuxuu si qotadheer u sharraxayaa qaybo ka mid ah cudurrada bulshada iyo xubnaha ugu badan ee ay saameeyaan, bukto la bixin waayayna ay ku noqdeen. Buuggu ma soo xiganayo ilo cilmiyeed toos ah marka laga reebo aayado Qur'aan ah oo uu ka hanuun qaadanayo, cutub kastana ibofur u ah, balse wuxuu ku qotomaa raacasho cilmi, dhugasho xaaladeed, iyo fahan uu qoraagu ka qaatay dhacdooyinka nololeed ee uu goobjoogga u ahaa ama uu taariikhda dhow ee Soomaalida ka ogaaday."Waa buug caqiibo leh." -Axmed Ibraahim Cawaale, qoraaga Qaylodhaan Deegaan, Dirkii Sacmaallada, iyo buugaag kale.
Abonner på vårt nyhetsbrev og få rabatter og inspirasjon til din neste leseopplevelse.
Ved å abonnere godtar du vår personvernerklæring.