Norges billigste bøker

Halgankii Gunnimadoonka

Om Halgankii Gunnimadoonka

¿BUUGGANU WUXUU DULMARAYAA marxalad Soomaalida soo martay oo aan w¿eli si buuxda loo soo tebin. Ibraahim Aadan Shire wuxuu si aqoon iyo xirfad leh noogu soo gudbinayaa dhacdooyinkii keenay dullaankii Xabashidu ku soo gashay gobolka Gedo iyo mirihii ka dhashay. Waxaa qoraalku cuskanayaa xogogaalnimada qoraha, oo la noolaa dhacdooyinkaas, tixraacyo qoraallo hore oo si toos ah ama si dadban u taabanaya xaaladdii waddanka ama gobolka Gedo ee waqtigaas. Hab-qoraalka ayaa waxaa xiise u yeelaya in Ibraahim soo xiganayo suugaan hore, sheekooyin iyo qoraal-cilmiyeedyo ilaa laba qarni ka hor laga sameeyey Soomaalida iyo dhaqankooda. Waxaan hubaa in buugganu meel muhiim ah ka geli doono kaydka taariikhda Soomaaliyeed, si guud, iyo tii sagaashanaadkii si gaar ah.¿Qoraa & baresare Cabdulqaaddir Diiriye.Nayroobi, Kiinya ¿¿ ¿WAXAA II FARXAD AHAYD INAAN akhriyo buuggaan, ka hor inta uusan soo bixin. Waxaa ugu horraynba, kusoo jiidanayo magaca buugga. Horay inbadan baynu u maqalnay Halgankii Gobonnimaddoonka, laakiin maantay magaca buuggani waa 'Halgankii Günnimaddoonka'. Tolow Gunnimana maloo halgamaa, oo mala doonaa? Jawaabta su'aashaa buugga ayaad kala sheekaysan doontaa. Waxa kale oo aad ku dhex arki doontaa baalashiisa sida dedaallo badan oo tacab la geliyay, ugudambayn ugu soo hoobteen meel aysan u qalmin. Xooggii la geliyayna uu u noqday xoog doofaar lagu eryay, iyo hal bacaad lagu lisay. Taariikhdu sida ay dib iskugu celiso ee ay usoo noqnoqoto ayuu iyadana taabanayaa buuggu. Waxaa intaa usii dheer, inuu yahay buug gorfayneed oo heerkii ugu sarraysay ku gorfaynaaya ururkii Al-ltixaad, wixii uu guday iyo wixii uu gaystay. Sooyaalka baraarugga Islaamiga ee Soomaaliya, ayuu sida oo kale waxbadan ka taabanaya dhigganuhu. Waxaa sii dheer, haddii Tog-Waajale taariikhda ugu suntan tahay inay Amxaaro duullaan kusoo qaadday 1964-tii, dawladnimada Soomaaliya oo markaa un afar sano jirsatay, Booramana ay Xabashidu duqaysay oo arday ku laysay 30-kii Janawari 1984-tii, Gobolka Gedo isaguna maalintii Jimceed 9-kii August 1996-dii, waxa ay u ahayd maalin madow oo ay duullaan cagmaris ah kusoo qaadday dawladda Itoobiya magaalooyinka Doolow, Luuq, iyo Beledxaawo. Duullaankaan iyo daggaalladii ka dambeeyay ee u dhexeeyay jamhaddii Marreexaan ee SNF iyo Ururkji Al-ltixaad, waad ka bogan doontaa idan Alle. Faanoole fari kama qodnee, akhris wanaagsan akhristow.¿Maxammed-Karaama Axmed Xasan.Garbahaarreey, Soomaaliya ¿Dadow maqal daduubtaan ku iri ama dan haw yeelan Ama dhaha darooryiba jiryaye doxorku yeelkiis e Nin ragey dardaaran u tahaye, doqon ha moogaado.¿Sayyid Maxammed Cabdulle Xassan

Vis mer
  • Språk:
  • Somali
  • ISBN:
  • 9781912411719
  • Bindende:
  • Paperback
  • Sider:
  • 218
  • Utgitt:
  • 30. september 2023
  • Dimensjoner:
  • 170x13x244 mm.
  • Vekt:
  • 385 g.
Leveringstid: 2-4 uker
Forventet levering: 17. januar 2025
Utvidet returrett til 31. januar 2025
  •  

    Kan ikke leveres før jul.
    Kjøp nå og skriv ut et gavebevis

Beskrivelse av Halgankii Gunnimadoonka

¿BUUGGANU WUXUU DULMARAYAA marxalad Soomaalida soo martay oo aan w¿eli si buuxda loo soo tebin. Ibraahim Aadan Shire wuxuu si aqoon iyo xirfad leh noogu soo gudbinayaa dhacdooyinkii keenay dullaankii Xabashidu ku soo gashay gobolka Gedo iyo mirihii ka dhashay. Waxaa qoraalku cuskanayaa xogogaalnimada qoraha, oo la noolaa dhacdooyinkaas, tixraacyo qoraallo hore oo si toos ah ama si dadban u taabanaya xaaladdii waddanka ama gobolka Gedo ee waqtigaas. Hab-qoraalka ayaa waxaa xiise u yeelaya in Ibraahim soo xiganayo suugaan hore, sheekooyin iyo qoraal-cilmiyeedyo ilaa laba qarni ka hor laga sameeyey Soomaalida iyo dhaqankooda. Waxaan hubaa in buugganu meel muhiim ah ka geli doono kaydka taariikhda Soomaaliyeed, si guud, iyo tii sagaashanaadkii si gaar ah.¿Qoraa & baresare Cabdulqaaddir Diiriye.Nayroobi, Kiinya
¿¿ ¿WAXAA II FARXAD AHAYD INAAN akhriyo buuggaan, ka hor inta uusan soo bixin. Waxaa ugu horraynba, kusoo jiidanayo magaca buugga. Horay inbadan baynu u maqalnay Halgankii Gobonnimaddoonka, laakiin maantay magaca buuggani waa 'Halgankii Günnimaddoonka'. Tolow Gunnimana maloo halgamaa, oo mala doonaa? Jawaabta su'aashaa buugga ayaad kala sheekaysan doontaa. Waxa kale oo aad ku dhex arki doontaa baalashiisa sida dedaallo badan oo tacab la geliyay, ugudambayn ugu soo hoobteen meel aysan u qalmin. Xooggii la geliyayna uu u noqday xoog doofaar lagu eryay, iyo hal bacaad lagu lisay. Taariikhdu sida ay dib iskugu celiso ee ay usoo noqnoqoto ayuu iyadana taabanayaa buuggu. Waxaa intaa usii dheer, inuu yahay buug gorfayneed oo heerkii ugu sarraysay ku gorfaynaaya ururkii Al-ltixaad, wixii uu guday iyo wixii uu gaystay. Sooyaalka baraarugga Islaamiga ee Soomaaliya, ayuu sida oo kale waxbadan ka taabanaya dhigganuhu. Waxaa sii dheer, haddii Tog-Waajale taariikhda ugu suntan tahay inay Amxaaro duullaan kusoo qaadday 1964-tii, dawladnimada Soomaaliya oo markaa un afar sano jirsatay, Booramana ay Xabashidu duqaysay oo arday ku laysay 30-kii Janawari 1984-tii, Gobolka Gedo isaguna maalintii Jimceed 9-kii August 1996-dii, waxa ay u ahayd maalin madow oo ay duullaan cagmaris ah kusoo qaadday dawladda Itoobiya magaalooyinka Doolow, Luuq, iyo Beledxaawo. Duullaankaan iyo daggaalladii ka dambeeyay ee u dhexeeyay jamhaddii Marreexaan ee SNF iyo Ururkji Al-ltixaad, waad ka bogan doontaa idan Alle. Faanoole fari kama qodnee, akhris wanaagsan akhristow.¿Maxammed-Karaama Axmed Xasan.Garbahaarreey, Soomaaliya ¿Dadow maqal daduubtaan ku iri ama dan haw yeelan Ama dhaha darooryiba jiryaye doxorku yeelkiis e Nin ragey dardaaran u tahaye, doqon ha moogaado.¿Sayyid Maxammed Cabdulle Xassan

Brukervurderinger av Halgankii Gunnimadoonka



Finn lignende bøker
Boken Halgankii Gunnimadoonka finnes i følgende kategorier:

Gjør som tusenvis av andre bokelskere

Abonner på vårt nyhetsbrev og få rabatter og inspirasjon til din neste leseopplevelse.